Madaxweyne Farmaajo oo Daah-furay munaasabadda hirgelinta guddiga 4-aad ee Af-Soomaaliga.[Video]

August 23, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda lagu howl-gelinayo Guddiga 4-aad ee Afsoomaaliga ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay turxaan bixinta, ilaalinta iyo horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, maadaama ay udub dhexaad u yihiin midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo dul istaagay halgankii dheeraa ee loo soo maray qaabeynta iyo qoridda Afsoomaaliga ayaa ka warbixiyey tallaabooyin hortebinta leh ee ay dowladdu u qaadday dhanka horumarinta afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

“Ummadda Soomaaliyeed waxa ay ku suntan yihiin dad ku adag afka iyo dhaqankooda, halka dalal badan oo dunnidii la gumeystay ka mid ah laga beddeley afkoodii iyo dhaqankoodii. Afku waa dhaxalka ugu qiimaha badan ee ay jiilal isu gudbiyaan, waana ammaano ay tahay inaan ilaalinno oo horumarinno.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay in hirgelinta farta Soomaaliga lagu bixiyey dadaal, maskax iyo maal badan, waxa uuna kula dardaarmay Guddiga Afsoomaaliga in ay sii ambaqaadaan dadaalladaas, hormuudna ugu noqdaan ummadda Soomaaliyeed horumarinta iyo adeegsiga Afsoomaaliga.

“Dowladdu waxay dadaal badan ku bixisay sidii loo horumarin lahaa afka, dhaqanka iyo suugaanta. Taas oo aannu ka soo bilowney inaannu dib usoo celinno goobihii lagaga shaqayn lahaa hirgelinta iyo horumarintooda, oo Tiyaatarka aynu maanta joogno ka mid yahay, Madxafkii Qaranka oo aanu isna dib u dhisnay.”

Munaasabadda oo ku qabsoomtay Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee XFS, Xildhibaanno, Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed, Guddoomiyaha Akademiyad Goboleedka Afka-Soomaaliga Mudane Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Mudane Cabdqaadir Nuur Xuseen, xubnaha Guddiga Afraad ee Afsoomaaliga, Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf iyo marti sharaf kale.


DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
August 2021
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online