Madaxweyne Farmaajo oo wareegto kaga xayiray Hey’adaha Dowladda heshiisyada iyo Is-afgaradyada xilliga doorashada

August 7, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay’adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Madaxweynaha oo tixgelinaya duruufaha siyaasadeed iyo habsami u socodka hannaanka doorashooyinka dalka, waajibaadka dastuuriga ah ee Goleyaasha Barlamaanka oo leh hubinta, xaqiijinta iyo qiimeynta heshiisyada iyo is-afgaradyada dalkeenna uu la galayo dalalka kale, hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ayaa soo saaray qodobbadan:

1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah.

2. Waxaa reebban, ilaa doorashada keddib, in Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna.

3. Waxaa la joojiyay in heshiis ama is-afgarad ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.

4. Sida ku caddeyd warsaxafaadeedkii kasoo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda 19kii Jannaayo 2018 oo qeexayay inaan la bixin karin hantida danta guud, lana saxiixi karin heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka hantida danta guud.

5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay ilaaliyaan sharafka, Qarannimada iyo horumarka lagu tallaabsaday sanadihii u dambeeyay.

—–Dhamaad—-

Comments are closed.

Archives
August 2021
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online