Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo la kulmay madaxa Hay’adda WFP iyo madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya.[Masawiro/Video]

August 23, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay madaxa Hay’adda WFP ee Gobolka Geeska Afrika Mr Michael Dunford iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

no images were found

Kulanka oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Madaxda WFP ee Soomaaliya iyo xafiiska WFP ee Puntland, waxaana looga hadlay arrimaha bani’aadantinimo ee ka jira Puntland.

Dhinac kale Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa qaabilay madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya marwo Kristina Svensson iyo wefti ay hogaaminayso oo ka socda Bangiga adduunka.

Kulanka waxaa qayb-galay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Duqa Magaalada Garoowe waxaana looga hadlay horumarinta iyo sare u qaadista mashaariicda Bangiga adduunka uu ka taageero Puntland.

no images were found

Gabagabadii weftiga ka socda Bangiga adduunka ayaa kulan la qaatay xafiiska Mashruuca Tayeynta iyo Kobcinta Hay’addaha Dowladda (CIP) waxaana ay warbixin kaga dhegaysteen masuuliyiinta xafiiska CIP ee Puntland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2021
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online