Madaxweynihii Afghanistan Ashraf Ghani oo isaga tegay Afghanistan

August 15, 2021 - Written by Editor

Kabul:-Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa dalka isaga tegay, isaga oo ku biiray muwaadiniin iyo ajaaniib ka cararaya dalka, xilli Taliban ay isku diyaarineyso inay qabsato magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Laba sarkaal ayaa wakaaladda wararka AP u xaqiijiyey in madaxweyne Ghani uu dalka ka duulay. Sidoo kale Abudllah Abdullah oo ah madaxa Golaha Qaran ee Dib u Heshiisiinta Afghanistan ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Ghani uu dalka ka baxay.

“Madaxweynihii hore ee Afghanistan waa uu ka tegay Afghanistan, wuxuuna dalka uga tegay xaalad adag,” ayuu yiri Abdullah Abdullahi. “Allah ayaa la xisaabtami doona.”

Wararka ayaa sheegaya inuu gaaray dalka deriska ah ee Tajikastan.
Taliban ayaa maanta hareereysay magaalada caasimadda ah ee Kabul, waxayna dowladda ka dalbatay inay si nabad ah xukunka ugu soo wareejiso.

Afhayeenka Taliban Suhail Shaheen ayaa u sheegay taleefishinka Al-Jazeera inay sugayaan “In si nabdoon loogu soo wareejiyo magaalada Kabul.” Waxa uu diiday inuu faah-faahin ka bixiyo wada-xaajoodyada ay kula jiraan dowladda.

Si kastaba, Shaheen ayaa sheegay inay doonayaan in si shuruud la’aan ah loogu wareejiyo xukunka dalka. Ma cidda xilliga ay wareejintaas dhici doonto.

Wada-xaajoodayaal ka socda Taliban ayaa ku sugan Kabul ayaga oo ka xaajoonaya xukun la-wareegista, sida uu sheegay sarkaal codsaday inaan la magacaabin. Ma cadda xilliga ay xukunka la wareegi doonaan.

Dhinaca dowladda ayaa waxaa wada-hadallada uga wakiil ah madaxweynihii hore ee dalkaas Hamid Karzai, iyo Abdullah Abdullah, oo ka mid ah dadka sida aadka ah u dhaliila Ghani, sababo la xiriira inuu diiday inuu xukunka ka tago oo uu heshiis la galo Taliban.

Madaxweyne Ghani ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku jiray go’doon siyaasadeed, xilli hoggaamiye kooxeedyada dalka ay isku dhiibeen Taliban ama dalka ka carareen.

AP
VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
August 2021
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online