Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday sarkaal lagu helay inuu Daacish ka tirsan yahay

August 23, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday nin lagu eedeeyey inuu ka tirsan yahay kooxda Daacish ee Soomaaliya, una qaabilsanaa kala gudbinta lacagaha.

Maxkamadda ayaa ku heshay Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale inuu tan iyo 2008 u shaqeynayey kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, isaga oo markii hore ka tirsanaa Al-Shabaab, balse 2016 u goostay dhanka Daacish.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku soo eedeyay Cabdirisaaq in uu kala gudbiyay lacag dhan $400,000 (afar boqol oo kun dollar), intii u dhexeysay 2019-2020.

Waxaa sidoo kale lagu edeeyay in uu ahaa nin awood ku leh kooxda Daacish oo gaarsiisnaa inuu la macaamilo horjoogayaasha kooxda sida ku-xigeenka koowaad ee kooxda Bilaal Suudaani, ahna u qaabilsanahay qaybta faafinta wararka kooxda iyo muuqaalladooda.

Maxkamadda ayaa Cabdirisaaq ku riday xukun 15 sano oo xabsi ciidan ah, wuxuuna haystaa inuu racfaan ka qaadan karo muddo 30 cisho gudahood ah.

VOA

Leave a comment

*

Archives
August 2021
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online