Xubnaha Puntland ku matalaya Aqalka Sare oo la doortay maanta
August 11, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Avv: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 48-aad.Fadhiga maanta oo Ajandihiisa ahaa Doorashada Xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Dawladda Puntland ku metelaya ayaa waxaa soo xaadiray 65 Xildhibaan.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo furay Fadhiga Golaha ayaa intaa ka dib ku soo dhaweeyay Guddiga Golaha Wakiillada DPL ee Doorashada Xubnaha Aqalka sare si loo guddo gallo Doorashada.
Dhinaca kale, Doorashada maanta ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal, Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Puntland, xubno ka tirsan Golleyaasha Dawladda heer Puntland iyo heer Federal iyo marti sharaf.Intaa kadib, waxaa la guddo galay Doorashada Xubnaha Aqalka sare waxaana Guddiga Doorashada Golaha Wakiillada DPL akhriyeen Habraaca Doorashada, iyadda oo mid mid Musharaxiinta u tartameysay Aqalka sare u soo jeediyeen Taariikh nololeedkooda iyo qorshayaasha u degsan haddii la doorto.Soo jeedin kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa si rasmi ah ugu codeeyay 22 Xubnood iyadda oo ay codeyn ka dib 11 Xubnood ku guuleysteen inay Dawladda Puntland ku metelaya Aqalka sare
1. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ( Faroole)
2. Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf ( Gaagaab)
3. Xildhibaan Maxamed Cabdi Cusmaan ( Majiino)
4. Xildhibaan Cabdullahi Cali Xirsi ( Timacadde)
5. Xildhibaan Cabdisamad Yuusuf Maxamed ( Abwaan)
6. Xildhibaan Daahir Ayaanle Siciid
7. Xildhibaan Farxaan Cali Xuseen
8. Xildhibaan Seynab Ismaaciil Maxamed
9. Xildhibaan Cabdiqani Geelle Maxamed
10. Xildhibaan Samiira Maxamuud Xaaji Cawad
11. Xildhibaan Sareedo Maxamed Xassan .
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa soo xiray Kalfadhigii 48-aad oo soo bilowday 15-kii Juun ee sanadkan, waxa uuna Hambalyo u diray 11 Senator ee DPL ku matalaya Aqalka sare ee BFS.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland