Xubnaha Puntland ku matalaya Aqalka Sare oo la doortay maanta

August 11, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Avv: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 48-aad.Fadhiga maanta oo Ajandihiisa ahaa Doorashada Xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Dawladda Puntland ku metelaya ayaa waxaa soo xaadiray 65 Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo furay Fadhiga Golaha ayaa intaa ka dib ku soo dhaweeyay Guddiga Golaha Wakiillada DPL ee Doorashada Xubnaha Aqalka sare si loo guddo gallo Doorashada.

Dhinaca kale, Doorashada maanta ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal, Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Puntland, xubno ka tirsan Golleyaasha Dawladda heer Puntland iyo heer Federal iyo marti sharaf.Intaa kadib, waxaa la guddo galay Doorashada Xubnaha Aqalka sare waxaana Guddiga Doorashada Golaha Wakiillada DPL akhriyeen Habraaca Doorashada, iyadda oo mid mid Musharaxiinta u tartameysay Aqalka sare u soo jeediyeen Taariikh nololeedkooda iyo qorshayaasha u degsan haddii la doorto.Soo jeedin kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa si rasmi ah ugu codeeyay 22 Xubnood iyadda oo ay codeyn ka dib 11 Xubnood ku guuleysteen inay Dawladda Puntland ku metelaya Aqalka sare
1. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ( Faroole)
2. Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf ( Gaagaab)
3. Xildhibaan Maxamed Cabdi Cusmaan ( Majiino)
4. Xildhibaan Cabdullahi Cali Xirsi ( Timacadde)
5. Xildhibaan Cabdisamad Yuusuf Maxamed ( Abwaan)
6. Xildhibaan Daahir Ayaanle Siciid
7. Xildhibaan Farxaan Cali Xuseen
8. Xildhibaan Seynab Ismaaciil Maxamed
9. Xildhibaan Cabdiqani Geelle Maxamed
10. Xildhibaan Samiira Maxamuud Xaaji Cawad
11. Xildhibaan Sareedo Maxamed Xassan .
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa soo xiray Kalfadhigii 48-aad oo soo bilowday 15-kii Juun ee sanadkan, waxa uuna Hambalyo u diray 11 Senator ee DPL ku matalaya Aqalka sare ee BFS.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Comments are closed.

Archives
August 2021
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online