Dagaal saaka ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Gal-Gaduud
September 13, 2011 - Written byDhuusamareeb: Dagaal xooggan oo u dhexeeya Al-shabaab iyo Ahlusunaha uu ku dhexmaray duleedka degmada Dhuusa-mreeb ee Gobolka Gal-Gaduud, dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ay fariisamo ka dhigteen duleedka degmada Dhuusamareeb taas oo sababtay in ciidamo ka tirsan Ahlusunah ay weerareen fariismaha Al-shabaab.
Dagaalka saaka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac wuxuuna dagaalka xooggiisa ka dhacay degaanka Beerta Xooteeye oo 20-KM u jirta degmada Dhuusamareeb, dagaalka ayaa 2 dhinac ay isku adeegsadeen hubka kale duwan waxaan wararka laga hellayo rugaha caafimaadka ay sheegayaan in ilaa 3 qof ay ku dhinteen dagaalka saaka halka 7 kalena ay ku dhaawacmeen.
Sarkaal lagu magacaabo Cabdiweli Xaaji oo ka tirsan Ahlusunah oo la hadlay saxaafad ayaa waxaa uu guul ka sheegtay dagaalka saaka dhacay isagoo sheegay in ciidankiisu ay weerarka ku qaadeen saldhig ay ciidanka Al-shabaab ay ku lahaayeen degaanka Bulacle.
Dhinac Saraakiisha ururka Al-shabaab ayaan iyagu ilaa hada saxaafada uga warami dagaalka saaka ka dhacay duleedka Degmada Dhuusamareeb, balse waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka hadlaan dagaalka dhacay iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka.
A/cawaale
Halgan.net