Barakacayaal maanta banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho
September 14, 2011 - Written byMuqdisho, Sept, 13 – Waxaa maanta banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho qoysas barakacayaal ah oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 700 oo qoys , dadkaan bara kacayaasha ah ee ka soo hayaamay gobollada ku xeeran Gobolka banaadir ayaa saxaafada u sheegay in aysan helin wax gargaar ah oo wixii caalamku ugu deeqay la lunsaday.
Dibada baxayaasha oo ay muuqtay rafaad iyo diif ayaa waxaa ay iskugu yimaadeen markii danbe Is-goyska Sayidka iyagoo watay boorar ay ku qornaayey hal ku dhagyo lid ku ah kuwa dhaca gargaarka caalamku ugu deeqay dadka abaaruhu halakeeyeen ee ku nool magaalada Muqdisho.
Barakacayaasha ayaa waxaa ay dhaliil u soo jeediyeen masuuliyiinta DFKM iyadoo aysan jirin masuul ka tirsan DFKM ama Gobolka Banaadir oo la hadlay barakaca yaasha maanta iskugu soo baxay magaalada Muqdisho,
Banaanbax maanta ay ka dhigeen magaalada Muqdisho barakacayaasha ayaa waxaa uu nqonayaa kii ugu weynaa, dibadbaxa ay dhigeen barakacaaasha ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili beesha caalamka ay gargaar kale duwan soo gaarsiisay magaalada Muqdisho.
A/cawaale
Halgan.net