Shirka golaha Baarlamaanka Puntland oo arimo badan lagu gorfeeyey.
July 4, 2020 - Written by EditorKalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.
Fadhiga maanta waxaa goob-joog ah 40 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ahaa ka doodista wax-ka bedelka xeerka maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Puntland. Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaana qodob-qodob uga doodaya wax-ka bedelka xeerkaas.
Wax-ka bedelka Xeerka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Puntland oo maanta qodob-qodob looga dooday ayaa mudanayaasha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland sii wadi doonaan ka doodistiisa maalmaha soo socda.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland