Ciidamada madaxtooyada PL oo gaaray magaalada Dhuusamareeb
July 8, 2020 - Written by EditorDhuusamareeb:-Waxaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Gal-Mudug ciidamada ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Puntland iyagoona ka soo kici timay magaalada Gaalakacyo ee Xarunta Gobolka Mudug
Ciidamadaan oo ah kuwa gaar ah ee ilaaliya Madaxtooyada Puntland ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Dhuusamareeb waxaan ay degaan goob loo asteeyey in ay degaan wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland oo maalinta beri ah soo gaari dono magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud.
Warar hoose ayaa sheegay in ciidamada tegay magaalada Dhuusamareeb ay yihin ciidanka loo yaqaan PSF oo ah kuwa Sirdoonka Puntland oo ilaalo gaar ah ka qabta shirarka madaxda iyo weliba goobaha muhiimka ah ee ay Madax Puntand ay degan yihin.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay wasaarada amniga maamulka Gal-Mudug oo ka waramay ciidamada tegay Dhuusamareeb balse waxay u muuqataa in ciidamada PSF Puntland ee soo gaaray Dhuusamareeb ay weheliyaa ciidamada DANAB ee fariisamaha ku leh deegaano ka tirsan Gal-Mudug.
no images were found
Dhinac kale ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya loona yaqaan Haramcad oo gaarayey 200 oo askari ayaa saaka diyaarado ka qaadeen magaalada Dhuusamareeb waxaan loo daad gureeyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
M_M_Deeq
Halgan.net