Taliska Ciidanka Gobolka Mudug oo faah faahin ka bixiyey is rasaasayn ka dhacday caawa Gaalkacyo

July 10, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Wararka naga soo gaaray caawa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in magaalada Gaalakacyo ay ciidanka amnigu ka bilaabeen howlgal lagu sugayo amaanka balse nasiib daro xili ay marayeen ciidamo Roondo ah meel u dhexeysa xaafada garsoor iyo agagaarka Saliga Warshad Galay ayaa koox hubaysan oo khamriga ka shaqaysta waxaa ay rasaas huwiyeen ciidan oo markaas ku sugnaa meel u dhexeysa Aaga Cagaar weyne iyo Garsoor.

Ciidanka aminga magaalada Gaalkacayo ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyey kooxda soo weerartay iyagoona iska difaacay waxaan halkaas is rasaasayntii ku dhintay 2 ka mid ah kooxda weerarka la beegsatay ciidanka.

Ciidanka amniga magaalada Gaalkacyo ayaa howl galka waxaa ay ku soo qabteen Khamri aad u badan oo ku jira Jawaano iyo Kartoono waxaan ay gabi haan la wareegen goob ay Kooxdaan ka ganacsada Khamriga ay ku keydsan jireen Khamriga iyo maandooriyaal kale.

Howl galka ay ciidanka amniga Gaalkacyo ay sameeyen caawa kama soo gaari wax khasaaro ah waxaan ay saraakiisha ciidanku ay balan qadeen in ay la dagaalami doonaa kooxaha ka ganacsada Khamriga iyo Maandooriyaasha oo dhib badan ku haye magaalada Gaalkacyo bilihii u danbeeyey.

Ugu danbayntii ayaa Taliska Qebta Gobolka Mudug waxaa uu diginin u diray cid walba oo ka ganacsata khamriga iyo Maandoriyaasha iyo weliba cid walba oo arrinkaas gacan ku siisa in ay talaabo adag ka qadi doonaan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online