Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax

July 12, 2020 - Written by Editor

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir Faarax wuxuu marwalbo door muhim ah kasoo qaadanayey Dowladdnimada Soomaaliya marxalad kasta uu dalku soo maray, wuxuu soo noqday Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Safiirkii Soomaaliya ee Japan iyo Germany, Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimadda Muqdisho iyo Xildhibaan Baarlamaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu uga tacsiyaynayaa geerida Ra’iisal wasaarihii hore dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online