Madaxweynaha DFS oo ka qayb galay salaadii janaasada R/Wasaarihii hore Hassan Abshir

July 16, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan C/dulle kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Raiisul Wasaarihii Hore ee Dowladdii Kumeelgaarka ahayd iyo Duqii Muqdisho Marxuum Xasan Abshir Faarax.

Diyaaraddii sidday Marxuum Xasan Abshir oo muddo dheer ka soo shaqeeyey horumarinta iyo dib u dhiska dalka ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka halyeeygan oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.

Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.

Intaas kaddib, marxuumka ayaa loo gudbiyey magaalada Garoowe halkaas oo aas-qaran loogu sameynayo, iyadoo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood, Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay xusuusnaan doonaan dadaalkii, dowlad jacaylkii iyo doorkii muuqday ee Marxuum Xasan Abshir Faarax uu ka soo qaatay dowlad dhiska, samata-bixinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna marxuumku tusaale u ahaa malaayiinta Soomaaliyeed ee u taagan adkeynta midnimada, u tanaasulka danta guud iyo dib u soo noolaynta maqaamkii aynu ku lahayn dalalka Caalamka.

no images were found

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online