Gudoomiyaha Golaha Wakiilada PL oo shir gudoomiyey Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada Puntland
July 22, 2020 - Written by EditorGaroowe:- Fadhiga 23-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.
Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ah u Qareemidda xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaa dood sharci ah ka yeeshay u Qareemidda xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland, dood dheer ka dib, Guddoonka Golaha Wakiillada & Xildhibaanada ayaa isku raacay in loo yeero Xeer-ilaaliyaha Guud, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo Dastuurka, Hoggaanka Taliska Ciidanka Asluubta Puntland si su’aalo looga weydiiyo Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland, maalinta sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay Luuliyo 25, 2020.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
E-mail: info@puntlandparliament.net