Ciidanka AMISOM oo lagu weeraray Muqdisho
September 17, 2011 - Written byMuqdisho:-Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta qarax lagula eegtay degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir waxaana qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso.
Ciidamada AMISOM ayaa iyaga oo kolonyo ah waxay marayeen agagaarka Xoosh marka uu qaraxu qabsaday waxaana soo gaaray khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.
Dadka goob jogayaal ah ayaa sheegay wariyaha Halgan.net in gaari tikniko ah ay wateen ciidamada AMISOM uu soo gaaray khasaaro xooggan.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa furay rasaas faro badan weerarka ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay qaadeen ciidamada Al-Shabaab oo haatan badalay dagaalkii ay kula jireen ciidamada AMISOM iyo kuwa
DFKM.
A/Cawale
Halgan.net