Madaxweyne Ku Xigeenka Gal-Mudug koormeer Hawleed ku tegay Xarunta Wasaarada Maaliyada.[Masawiro]
October 1, 2020 - Written by EditorDhuusamareeb:-Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Galmudug Md. Cali Dahir Ciid Oo Maalmahan waday kormeer ku aadan u kuurgelidda Howlaha Hay’adaha Dowliga ah iyo Wasaaradaha ayaa maanta koormeer Hawleed ku tegay Xarunta Wasaarada Maaliyada oo udub-dhexaadka u ah wasaaradaha GMS.
Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Maaliyadda Md. Mukhtaar Cali Cismaan ayaana xarunta Wasaaradda ku soo dhaweeyey.
Mudane Cali Ciid ayaa ka dhagaystay warbixin guud oo ku saabsan Wasaaradda, Wasiirka Kuxigeenka wasaarada isagoona sidooo kale indha-indheeyey Waaxyaha & Qaybaha kala duwan ee Wasaarada Maaliyada Gal-Mudug.
Wuxuu ku ammaanay Masuuliiyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda sida quruxda badan oo ay u gudanayaan waajibaadka loo xilsaaray isagoona faray inay sii dardargeliyaan adeega ay bulshada u hayaan.
Hoggaanka cusub Galmudug ayaa wada qorshe ku aadan hagaajinta hanaanka maaliyadeed ee DGM iyadoona horraantii sanadkan lagu guulaystay dejinta miisaaniyad ku saleysan qarashaadka dowladda iyo daqligeeda, ilaha daqligana la habeyey, taasoo horseeday inuu kordho daqliga gudaha ka yimaada.
no images were found
–—-DHAMMAAD—–
WARFAAFINTA MADAXTOOYADA GM.