Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan deg deg ah qabtay.[Masawiro]
October 3, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta qabtay kulan muhiim ah oo diirada lugu saaray sidii wax looga qaban lahaa arrimaha sicir bararka iyo kor u kaca sarifka lacagta dollarka.
Shirka ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo khuburo aqoonyahan ah oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.
Dood iyo falaqayn ka dib Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa magacabay guddi dhaqaale oo kasoo tala bixiya xaaladda sarifka ayadoo maalmahaan ay wasaaradda Maaliyadda soo saari doonto siyaasaddo lugu xakameynayo arrimaha sarifka.
no images were found
Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dawladda Puntland