Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada Puntland oo kulmay
October 17, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa Xarunta Golaha kulan kula qaatay Madaxda Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta, Dhaqan-celinta Iyo Dastuurka DPL.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiir ku xigeenka, Wasiiru Dawlaha iyo Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta, Dhaqan-celinta Iyo Dastuurka DPL, Waxayna mas’uuliyiinta Wasaaraddu Guddiga uga warbixiyeen wixii u qabsoomay, caqabadaha jira iyo guud ahaan shaqooyinka socda.
Dhinaca kalena, waxa uu Guddigu Wasaaradda la wadaagay warbixin ku aaddan kormeerradii Guddigu ku tagey Gobollada Puntland, gaar ahaan cabashooyinkii ka yimid Maxkamadaha & Maxaabiista ku xiran xabsiyada iyo talooyin ku aaddan nidaamka Xabsiyada iyo Garsoorka dalka Puntland.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland