Garab ka mid ah Guddiga Doorashada G. Waqooyi oo Guddoon Doortay
August 7, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi gaar ahaan garabka uu magacaabay Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa galabta doortay guddoon ka dib doorasho ka dhacday xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
Garabkan ayaa waxa ay guddoomiye u doorteen Khadar Xariir Xuseen. Waxaa doorashada ka maqnaa afartii xubnood ee uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay doorashadan.
Doorashadan ayaa ku so aaday iyadoo maalin ka hor Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu dhaliilay dhex-dhexaadnimada Ra’iisul Wasaaraha ee arrinta doorashada xubnaha gobollada Waqooyi.
Horey ayay labada garab ee ay u kala jabeen guddiga maamulka doorashada ee xubnaha gobollada waqooyi kala doorteen laba guddoomiye.
Laakin Ra’iisulwasaare Rooble oo soo farageliyay ayaa baabi’iyay doorashada guddoonka, taasi oo keentay in maanta loo ballamo in guddiga oo wadajira ay doorashada guddoonka ku qabsadaan xerada Afisyooni.
VOA Somalia
Halgan.net