Ra’iisul wasaare JFS oo weli ku sugan Masar madax kale duwan la kulmay.[Video]
August 17, 2021 - Written by EditorCairo:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqday xaruunta jamacada Carabta ayaa la kulmay Sheikha Al Azhar Dr. Axmed Altayib oo uga mahadceliyay doorka Al-Azhar ee faafinta fahamka saxda ah ee diinteenna suubban, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay kordhinta fursadaha waxbarashada ee la siiyo ardayda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale booqday xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha Jaamacadda Carabta Axmed Abulqeyd.
Xog-hayaha Jaamacadda Carabta oo Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay booqashadiisa ayaa warbixin ka siiyay qaab howleedka JC isagoo ku soo wareejiyay qeynaha ay ka kooban tahay.
Dr. Axmed Abulqeyd ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku ammaanay kaalintiisa hoggaamineed ee arrimaha doorashoiyinka iyo dib- u heshiinta, isagoo ballan qaaday in Jaamacadda Carabtu ay taageero dhan walba ah la garab joogto Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta, isagoo tilmaamay in Soomaaliya oo xubin ka ah dalalka Jaamacadda Carabtu ay taageero dheeri ah ka fileyso walaalaheeda ku bahoobay JC, gaar ahan xilligan muhiimka ah ee dalku galay doorashada.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga ku wehelinaya booqashada uu ku joogo dalka Masar ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooblen caawa hoygiisa magaalada Qaahira ku booqday madaxweynihii hore ee dalka mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo aan uga mahadceliyay doorkiisii dowlad dhiska Soomaaliya iyo kaalintiisa odaynimo.
Waxaan madaxweynaha warbixin ka siiyay xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaan howlaha doorashooyinka, anigoo ka dhageystay talooyin iyo tusaalooyin dhaxalgal ah.
A/cawaale
Halgan.net