Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad-gobolleed.[Video]

August 31, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka waxaana uu sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddiyada doorashada in ay howlaha wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka guda galaan bilowga toddobaadka soo socda, isagoo kula dardaarmay in ay doorashada u maamulaan si daah furan.

Dhinac kale Ra’iisul Wasaare Rooble”Liiska Musharraxiinta Xildhibaannada Somaliland waxaa soo xulaya Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Aqalka sare aniguna waan ka hubinayaa wayna ii siman yihiin.”

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2021
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online