Ciidanka Booliska Ugandha oo sheegay in qabteen rag xiriir la leh Ururka Al-Shabaab
June 4, 2012 - Written byKampala:-Afhayeenka ciidanka Booliska dalka Ugandha Judith Nabakooba ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen rag lala xiriirinayo in ay ka mid yihiin Ururka Al-Shabaab waxaana uu sheegay in ay qabteen habeenkii axada ka dib howlgalo ay sameeyeen ciidamada nabadsugida ee magaalada Kampala.
Judith Nabakooba oo ah afhayeenka ciidamada Booliska ayaa waxaa uu saxaafada u akhriyey labada nin ee ay Booliska qabteen wuxuuna ku sheegay magacyadooda Emrah Erdogan oo leh magacyo kale oo ah Alias Imraan Al-Kurdi iyo Axmed Khaalid oo isaguna magaciisa kale uu ku sheegay Martin Muller.
Afhayeenka Booliska ee dalka Ugandha Judith Nabakooba ayaa waxaa uu sheegay in labada nin ay ka soo jeedaan ama heystaan aqoonsiga dalka Jarmalka balse Emrah Erdogan uu asal ahaan ka soo jeedo dalka Turkiga .
Ciidanka Nabadsugida ee dalka Ugandha ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan nin sadexaad oo ay magaciisa ku soo koobeen Xusen kaas oo la socday labada nin ee la qabtay ;Booliska dalka Kenya ayaa isbuucii hore Shaaciyey in ay uu dalkooda uu soo galay Emrah Erdogan oo ay ku daba joogaa iyaga oo sheegay in uu ku soo tababartay gudaha dalka Soomaaliya.
Ilaa haatan ma jiraan ilo ka madax banaan Booliska dalka Ugandha oo xaqiijiyey ama beeniyey eedeeynta loo soo jeedshay ragan laga qabtay gudaha dalka Ugandha.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net