Ciidamo ka wada tirsan DFKM oo isku laayey xalay Afgooye
June 5, 2012 - Written byAfgooye:-Ciidamo ka wada tirsan DFKM ee ku sugan Degmada Afgooye ayaa xalay waxaa dhex maray dagaal culus waxaana ugu yaraan ku dhintay afar askari oo ka wada tirsan ciidanka Booliska iyo kuwa Malateriga waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 askari oo dhaawacooda loo qaaday magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhexqarxay ciidanka ka wada tirsan DFKM xalay ka dib markii ay bilaabeen qaar ka tirsan ciidanka Booliska DFKM in ay qaadaan lacag leejo ah oo ay ku sheegeen Canshuur taas oo ay ka caroodeen ciidanka melatariga oo diiday in la qaado wax lacag ah inta amar uu ka soo baxayo Gudoomiyaha gobolka shabeellada hoose.
Guddoomiyaha degmada Afgooye ee DFKM Cabdullaahi Cabdi Axmed oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dagaalka xalay dhexmaray labo ciidan oo ka wada tirsan DFKM wuxuuna eedeyn kulul u soo jeediyey guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose oo amray ciidamada weeraray ciidanka isbaarada dhigtay.
Ma jirto ilaa haatan wax hadal ah oo ka soo baxay madaxada iyo saraakiisha sare ee DFKM ee ku aadan dagaalka xalay saqdii dhexe dhexmaray ciidamo ka wada tirsan DFKM.
A/Cawale
Halgan.net