Kulankii 1aad ee North American Council of Somali Youth oo lagu qabanayo Masjidka Ibnu taymiya
June 8, 2012 - Written byMahad dhamaanteen waxaa iska allaah SW nabad gelyo iyo naxariis allaah ha yeelo nebigeennii Muxamad ahaa SCW dushiisa.
Intaas ka db. Masjidka Ibnu taymiya and Islamic center ee magaalada Columbus, ee gobolka ohio Waxaa farxad weyn u ah inuu walaalaha muslimiinta u soo diyaariyey kulankii koobaad ee North American Council of Somali Youth, ururkaas oo ah mid ay ku midaysanyihiin dhammaan dhalin yarada maraakista hoos timaada golaha imaamyada soomaaliyeed (North American Council of Somali imams). Iyadoo cinwaanka guud ee kulanka uu noqon doonoولاتعجز احرص على ماينفعك واستعن بالله (ku dadaal wixii ku anfacaya ilaahayna talo saaro, hana caajisin)
Kulankaan waa mid ka gedisan kulamadii hore loo qaban jiray waxaana ka soo qayb geli doona dhammaan dhalinyarada maraaksista aan soo sheegnay,wuxuuna kulanku ka koobnaan doonaa insha allaah qaybo kala duwan.
1-Muxaaradaad qiimo gal ah oo ay soo jeedin doonaan culimada kala ah:-
Somali speakers
1- Sh. Muxamad Idriis Columbus Ohio
2- Sh. C/raxmaan Sh. Sh. Cumar Minneapolis Minnesota
3- Sh. Abdullaahi Ibraahim Minneapolis Minnesota
4- Sh. Adam Sh. Abdullaahi Columbus Ohio
5- Sh. Cabdi Nuur Atlanta Georgia
6- Sh. Mukhtaar Ibraahim Columbus Ohio
English speakers
1-Sh. Kareen Abu Zeyd Denver, Colorado
2- Sh. Abu usamah ad’dahabi London, U.K.
3- Sh. Yousef Soussi Minneapolis Minnesota
2-Tartamo xiiso badan oo dhex mari doono dhallinyarada ka kala timid maraakista kala duwan iyagoo ku tartami doona kutub kala duwan oo ay si siman usoo wada qaateen waxaana ka mid ah kutubtaas:-
1-Tartanka quraanka kariimka ah oo ka kooban
A-30 ka jus
B-20 ka Jus
C-10 Jus
2- Kitaabka Tuxfatul adfaal (Tajwiid)
3-Kitaabka Muqadimatu Usuulu Tafsiir
4- Kitaabka Sullam Al wusuul ilaa cilmil Usuul
5- Kitaabka Al Kawaakib Addurriyah (Naxwe)
Tartankaas badan leh ka dib waxaa abaal gudyo kala duwan oo qiimo leh la gudoonsiin doonaan dhalinyarada tartanka ku guulaysata iyo masaajidooda.
3- Wacyi gelin guud oo ku saabsan dhinaca caafimaadka iyo wax barashada oo ay soo kala jeedin doonaan
1-Dr. Muxamad Hashi Columbus Ohio
2-Dr. Abdinur Muxamad Columbus Ohio
Masjidka ibnu taymiya wuxuu walaalaha u soo martinaya ku soo dhawaynayaa quluub iyo gacmo furan wuxuuna u diyaariyey marti gelin heer sare ah oo noocyo kala duwan ah.
Waqtiga kulanka:
July 5, 6, and 7
Goobta kulanka ;
Aladdin Shrine Center 3850 Stelzer Rd.,
Columbus, Ohio 43219
Wixii faah faahin dheeri ah kala soo xiriir taleefonada hoos ku qoran:-
6148227532, 6145993171, 6148040819
Halgan.net