Xilibaan ka tirsanaa Golaha Wakiilada Puntlland oo lagu dilay Gaalkacyo
September 20, 2011 - Written byGaalkacyo:-War caawa lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntlland oo lagu magcaabo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji oo lagu naanayso (Koodhaa).
Marxuunka la dilay ayaa waxaa dilay 2 nin oo ku hubaysan bistoolado oo markii ay dilka geysteen goobta ka baxsaday dilka Xilibaanka ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Iskuulka Cumar Samatar ee xaafada Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, dilkaan ayaa waxaa ilo wareedyo ku sugan Gaalkacyo sheegayaa in laga yaabo in uu salka ku hayo aano qabiil iyo dilal ka dhacay Gaalkacyo.
Ciidanka amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa soo gaaay goobta dilka uu ka dhacay waxaan ay ilaa hadda wadaa howlgalo ay ku baadi goobayaan 2 nin ee dilka geystay oo ku dhumaalaysanay gudaha magaalada Gaalkacyo gaar ahaan xaafada Israac iyo goobaha ku dhow dhow.
M_M_Deeq
Halgan.net