Madaxweynaha DFKM oo booqasho lama filaan ah ku tagay Degmada Afgooye
June 11, 2012 - Written byAfgooye:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta booqasho lama filaan ah ku tagay degmada Afgooye ee gobalka Shabelada Hoose waxaana madaxweynaha socdaalkiisa ku weheliya raxan wasiiro iyo saraakiil ka tirsan DFKM iyo kuwa AMISOM.
Madaxweynaha ayaa waxaa galbinaya ciidamo tiro badan oo ka tirsan DFKM iyo kuwa AMISOM waxaana haatan uu madaxweynaha ku sugan yahay Beerta Sheekh Zaa’id halkaas oo uu kulan kula qaatay saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM.
Socdaalka Madaxweynaha DFKM uu ku tagay maanta Degmada Afgooye ayaa sidoo kale waxaa ku weheliya Koox wariyeyaal ah oo ka socda saxaafada qeybaheeda kala duwan.
Madaxweynaha DFKM ayaa socdaalkii ka ka horeeyey uu ku tagay Degmada Afgooye ayaa waxaa wadada u galay ciidamo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo sheegay in ay dileen askar ka tirsan DFKM iyo kuwa AMISOM.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net