Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan oo gaaray Balli-dhidin iyo Unuun
June 13, 2012 - Written byWafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan iyo masuuli yiin kale oo ka tirsan dowllada Puntlland ayaa saaka gaaray degmada Baar gaal, gaar ahaan degaanada Balli-dhidin iyo Unuun. Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa kor meerka ay ku tageen degaanka Balli-dhidin iyo Unuun uu yahay bal in ay ogaadaan xaalada nololeed iyo mid caafimaad ee bulshada ku dhaqan degaanada hoos taga degmada Baargaal oo ku yaal bariga fog.
Guddoomiyaha Gobolka Bari C/samed Maxamed Gallan ayaa xusay in ay diyaar u yihiin in ay wax ka qabtaan dhibaatada nololeed iyo mid caafimaad ee ka jirta degaanada ku yaal bariga oo in badan aysan Puntlland wax la taaban karo aysan ka qaban balse ay hadda bilaabeen olole horumareed iyo mid waxqabad. Safar saaka uu ku tegay Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samed Maxamed Gallan iyo wafdigiisa ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyey oo wafi ka socda masuuliyiinta Gobolka Bari ay ku tagaan degmada Baargaal , Balli-dhidin iyo Unuun.
M_M_Deeq
Halgan.net