Hay`adda Kafaalo oo Conference muhiim ah ku qabatay Oslo, Norway.(Daawomasawirada)

June 19, 2012 - Written by Editor

Taarikhdu markii ay aheyd 16.06.20212, saacadduna aheyd 18:30 – 20:30, ayaa waxaa Anker hotel kadhacay Conferense ay si habsami & tayyo wanaagsan leh usoo qaban qaabi say hay’adda Kafaalo. Conferense-haan ayay bilowgiisi Kafaalo uga warbixisay si kooban waxqabad keedi sanadkii tagey 2011, sida abaarihii iyo Mashruuca Isku-filnaasho gaar siint a(MIG), oo ah mashruuc dhaliyay natiijo fiican xagga isku tashiga shakhsiga Soomaaliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha bulshada. Labadaan mashruucba waxaad ka daawan kartaa youtube-ka linkiga hoose.

Kasoo Qaybgalayaasha Conference-ha ayaa ahaa goob ay ku kulmeen qaybo kala duwan oo kamida bulshada Norway, gaar ahaan Culumo, Waxgarad, Mufakiriin, Masuuliyiin, Aqoon-yahanno, Siyaasiyiin, ururo kala duwan iyo marti sharaf katimid gobadala Norway sida Hedmark, Buskerud, Vestfold, Vest-Agder iyo dalka dibadiisa sida Canada.

Ujeedada Conferense-ha Ujeedadda ugu muhiimsan ee Conferense-ha ayaa ah in Soomaalida loosoo bandhigo magazine cusub oo la magac baxay Kafaalo Magazine loona soo gaabsho (KM). Ujeedada KM oo la lafaguray ayaa goobta lagu soo bandhigay, waxaana kamid ah. 1) Qaab fakarka & xagasha wax laga arko in la waasiciyo oo laga bedalo sida ay hadda tahay, si kale markaan udhigno Soomaalidu inay u baahan tahay (A Paradigm Shift). 2) Caqliga Ilaahay nagu galadaystay inaan isticmaalno oo qaabab & xalal cusub ugu fakarno si mushkilaadka looga baxo (A New Level of Thinking). Arimahaan ayaa ah kuwo fududeynaya inay saaxada usoo baxaan dad badan oo Soomaliyeed oo Mufakariin ah oo umadda waxbadan ku kordhin kara & inay helaan goob ay kusoo bandhigaan dadka xaliyay ama khibrad u leh xalinta mushkilaad/waxqabad la taaban karo.

Yaa loogu tala galey KM? KM wuxuu ku qoran yahay af-Somali, wuxuuna u qoran tahay hab academic ah oo aanan cusleyn. Sidaa awgee waxaa guud ahaan loogu talagelay umadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, waxaase si gaara uga sii faa’iidaysan kara dadka jaamcadaha dhigta ama kabaxay, dadka mufakiriint ah, culimada, dadka masuuliyiinta ah, siyaasiyiinta iyo cid walba oo doonaysa inay u fakarto qaab mandiq ‘rational’ ah oo isbedel lagu keeni karo. Fariinta KM gudbinayso maaha mid ku kooban ama ubuc utahay Soomaalida Norway & caqabadaha ay bulshada kala kulmaan, balse waa fariin kusocota Soomaalida caalamka oo dhan oo marba dal ay joogaan diiradda la saari doono.

Halkee KM gaarayaa? Halkeese laga heli karaa? KM wuxuu gaarayaa jaamacadaha wadankii iyo wadankoo idil, qaybo badan oo kamid ah Africa, Asia, Bariga Dhexhe, Yurub iyo Waqooyiga America. Waxaad kasoo dalban kartaa xafiiska guud ee Kafaalo cinwaanka, telefonka iyo e-mailka hoos kuqoran.
Qoraalka waxaa na soo gaarsiiyey

Maamulka Hay’adda Kafaalo

FG! Xuquuqda Sawirada waxaa iska leh Calanka Media
Kafaalo Org. Grønland 12 0188 Oslo Tel: +47 21 64 68 15
E-mail: km@kafaalo.com

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online