Golaha wasiirada DFKM guddiga Dastuurka waqtigiisa waa dhamaaday.[War-saxaafadeed]

June 25, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa galabta shir aan caadi aheyn isugu yimid xaruntooda Golaha Wasiirada, shirkaas oo uu shir gudoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin Dastuurka iyo Amniga. Ugu horreyntii golaha waxaa Ra’iisul Wasaare Dr. Cabid weli maxamed Cali Gaas uga war bixiyey shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka kaas oo kadhacay magaalada Nairobi 20-22 bishan, Ra’iisul Wasaare Gaas ayaa sheegay in shirkaas uu ahaa mid taariikhiya oo u soo hoyotay ummadda Soomaaliyeed waxaana laga gaaray is afgarad nuqulkii ugu danbeeyey Dastuurka qabyo qoraalka ah.

Waxaa sidoo kale warbixin laga dhagaysatay Wasiirka Dastuurka iyo Dib-uheshiisiinta Mudane: C/raxmaan Xoosh Jibriil waxaana uu sheegay wasiirku in ummadda Soomaaliyeed ay maanta haysato Dastuur loona soo bandhigayo wakhti aan fogayn.

Waxaa kale oo warbixin goluhu kadhagaysatay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashandhiga waxaana uu sheegay wasiirku in ciidanka qaranku ay horumaro  la taaban karo ka sameeyeen qaar kamid ah gobolada dalka, sidoo kale wasiirku waxaa uu sheegay in wasaaradu ay waday maalmihii lasoo dhaafay bixiinta mushaaradka ciidanka qaranka.

no images were found

Dood iyo falaqan badan kadib goluhu wuxuu isku raacay qodobadaan soo socda.

  • Golaha Wasiirada wuxuu soo dhaweynayaa in ay dhamaatay shaqadii gudiga madaxa banaan ee dastuurka sida ku xusan go’andii kasoo baxay shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka ee ka dhacay magaalada Nairobi 20-22 June. 2012
  • Inuu furmayo shirkii ansixinta Dastuurka 12, July, 2012
  • In shacabka loo soo bandhigayo Dastuurka 24 saac oo soo socoda iyadoo loo sii marsiinayo qaybaha kala duwan ee warbaahinta

Ugu danbayntii waxaa uu goluhu ansixiyey Gudi Farsamo ee soo xulitaanka ergada.

Magacyada Gudiga Farsamada

 

1.     Bashir Warsame Jama

2.     Engineer Abdirahman Mohamed Osman

3.     Halima Ismail Ibrahim

4.     Mohamed Ali Hayle

5.     Fowsia Abikar Nur

6.     Dahir Warsame

7.     Jama Salad Mohamed

8.     Sadiq Abshir Garad

9.     Fadumo Jama Jibril

10.    Faisa Mohamed Layli

11.   Professor Abdullahi Hassan Hussein

12.  Dr. Yasin Salah Ali

13.   Dayib Mohamed Ali

14.  Abdirizak Ahmed Farah

15.  Showqi  Ahmed Hussein

16.   Hamad Hagi Ali  Hassan

17.   Hassan Ahmed Ibrahim

18.  Abdiwahid Sheikh Osman

19.  Salim Ma’ow Hagi

20.  Abdulle Ahmed Yusuf

21.  Abshir Warsame Jama

22.   Professor Abdullahi Osman Hiireg

23.  Engineer Salah Sheekh Osman

24.   Mohamed Aden Ibrahim (Fargeto)

25.   Qasim Iidow Ibrahim

26.  Sheikh Qasim Ibrahim

27.   Halima Omar Ahmed

 

—-DHAMAAD—-

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online