Sh Axmed Daahir Xasan Xuseen oo Darisigii 4aad caawa ka jeediyay Nadwadii ka socotay Qardho.
June 29, 2012 - Written byQardho:-Nadwo Cilmiyeedkii 9-aad ee ka socotay Masjidka Cumar Bin Khataab ee Magaalada Qardho ciwaanka sanadkan lagaga hadlayana uu ahaa Aayada Quraanka ah ee ( و من أحسن قولا ممن دعا إلى الله و عمل صالحا و قال إنني من المسلمين ). Waxaana sanad walbaa Nadwada lagu qabtaa Masjidka Cumar Bin Khataab oo ku yaala bartamaha Magaalada Qardho.
Darsiga Afaraad waxaa caawa soo jeediyay Sheekh Axmed Daahir Xasan Xuseen wuxuna ka Hadley Mowduuc ciwaankiisu ahaa( Maqaasidda Shareecada ), waxaanu Sheekhu ugu horeyn ku bilaabay tacriif ama qeexid uu ku sameeyay ciwaanka guud ee Darsiga wuxuuna sheegay in sidaa oo kale lagu tilmaami karayo Darsiga Daruuriyaadka Shanta ah kuwaas oo kala ah – Diinta oo la xafido- Nafta oo la xafido- Caqliga oo la xafido – Nasabka oo la ilaaliyo –Maalka oo la xafido.
Sheekhu waxa uu u galay in qodobadaa shanta ah midka ugu horeeya uu si guud u qaadaa dhigo wuxuuna xusay in diintu leedahay cadow badan loona baahan yahay in cadowgaa laga ilaaliyo , waxa loo baahan yahayna ay ka mid tahay in diinta ictiqaad ahaan loo xafido lana wanaajiyo camalka iyo ficilka intaba , sidoo kale waxa uu Sheekhu carabka ku adkeeyay in Diinta dadka loogu yeedhaa ay tahay mid wanaag san ayna tahay mid wanaagsan in dadka kheyrka loogu yeero xumahana laga hor istaago ,waxaa uu dhinaca kale sheegay in wax walba oo ay dadku camal ahaan u sameynayaani ay lagama maarmaan u tahay in diinta loo eego waxa ay ka qabto iyo sida ay arintaa u jideysay.
Sheekhu waxa uu intaa kadib u galay in Diinta ay tahay mid uu Alle xafiday uuna ilaashanayo wuxuna halkaa u soo daliiliyay Aayada ku jirta Suuratul Xijr (إنا نحن نزل الذكر و إنا له لحافظون ) , waxa uu sidaa oo kale uu halkaa ku lifaaqay in Diintu ay tahay mid dadka u cadaalad sameysay qof walbana u cadeysay xuquuqda uu leeyahay iyo tan isaga lagu waajibiyay ,waxana intaa raaciyay in dadku hadii ay yihiin diin la’aan ay yihiin kuwo dhintay ama kuwo la mid ah xoolaha , sidaa oo kale waxa uu sheegay in qof walbaa oo Muslim ah oo mukalaf ahi ay waajib ku tahay in uu barto xuquuqaha laga leeyahay iyo kuwa Alle ku waajibiyay ,ugu dambeyna waxa uu qeybtaas kusoo gaba gabeyeay Aayada (وأن هذا صراطي مستقيما فتبعوه ….. آية) .
Intaa ka dib waxa uu Sheekhu u galay qodobka xiga oo ahaa in Nafta la xafido wuxuuna ugu horeyn halkaa u soo qaatay Aayada Quraanka ah ee ( ولا تقتلو النفس إلا بالحق ) wuxuna xusay Shiikhu in Alle uu xarimey in nafta lagu dilo xaq daro wax walbaana ay diintu u dajisay qawaacid hadii nafta la goynayo xataa ay tahay in la cadeeyo dambiga lagu dilayo ee ay gashay wixii intaa ka soo hadhayna ay tahay mid aan banaaneyn ,waxa uu sidaa oo kale Sheekhu tilmamay in Diintu nafta ay ilaalisay ayna ku ilaalisay siyaabo kala duwan wax badana ay Diintu sheegtay nafta iyo xuquuqda ay leedahay iyo sida loo ilaalinayo, Sheekhu waxa uu dhinaca kale xusay in Sinadu ay soo hoos galeyso qeybaha daruuriyaadka ah halka ay xidhiidhka kala yeelaneyso qodobkana uu yahay ilaalinta nafta oo laga ilaaliyo xumatada wuxuuna tibaaxay sheekhu in sinadu ay tahay wadada ugu xun ee xumaha loo maro wax walbaana ay ku xumaadaan sinada.
no images were found
Sheekh Axmed Daahir Xasan Xuseen waxa uu intaa kadib u galay qodobka xiga oo ahaa nasabka oo la ilaaliyo wuxuuna xusay in nasabku uu yahay ka xadidada shaqsiga waxa uu yahay micanaha asal ahaan halka uu ku tiirsan yahay ama lagu abtiriyo , waxaanu sheekhu tilmaamay in Diintu arintaa meelo kala duwan iyo siyaabo kala duwan uga hadashay waxaanu carababay in Sinadu ay tahay midda fasahaadisa nasabka qofka sinada ku dhashaana uu yahay qof nasab la’aan ah laguna tilmaamo wax xun oo xumo ka dhashay , intaa kadib waxa uu Sheekhu soo qaaday qodobo dhowr ah oo ka hadlaya dadka sida khaldan isku mehersanaya iskuna xalaashanaya wuxuuna xusay arintaasi in ay tahay mid khaldan loona baahan yahay in laga waantoobo guurkuna uusan sax ahayn hadii aan ogolaansho laga heysan qofka waliga u ah gabadha.
Kadib waxa uu Sheekhu u galay qodobka xiga ee ah Caqliga oo la xafido waxaanu ugu horeyn xusay in loo baahan yahay in caqliga qofka la ilaaliyo taasina ay ku xidhan tahay fayo qabka qofka muslimka ah hadii qofka uu ku dhaqaaqo ficilo khaldan isaga oo isticmaalaya maandooriye uu noqonayo qof aan waxba dhaamin kan waalan ee wixii uu doono dibnuhiisu soo marayaan ee aan hadal iyo ficil midkoodna aan la xishooneyn. Waxa uu Sheekhu xusay in arintaa ay Diintu si fiican u qaadaa dhigtay ayna xaaraantimeysay wax walbaa oo sababi kara in caqligu doorsoomo ayna ugu horeyso khamrada iyo waxyaabihii kale ee doorin kara fayo qabka qofka wuxuuna halkaa uu soo daliiliyay Xadiiska Nabigeena suuban CSW ka sugnaayday ee Micnihiisu ahaa ( كل مسكر حرام ) .
Qodobka ugu dambeeya ayuu Sheekh Axmed Daahir ku istaagay kaasoo ah ilaalinta maalka qofka msulimka ahna looga doonayo in uu maalka xafido isago ka ilalainaya wixii xaaram ah ama in uu si xaaraam ah ku taajiro uuna u aaba yeelin waxa uu heysto iyo waxa ka beec mushtarayo intaba , kadib waxa uu Sheekhu xusay in Diintu ay jideysay in maalka la xafido laguna xafido qofka waxa uu heysto iyo waxa uu bixinayo in uu hubiyo.
Waxa uu dhinaca kale Sheekhu tilmaamo ka bixiyay in ay xaaraam tahay in lagu takri falo xoola agoonta dadka Soomaalida ahina ay dhaqan joogta ahi ka dhigteen in ay dhacaan xoolaha dumarka looga dhinto ama aysan siin wixii xaq ah ee ay leeyihiin .
Dulmarka iyo qaadaa dhiga Sheekh Axmed Daahir uu shantaa qodob ku sameeyay waxa uu uga sii gudbay arimaha kale ee hoos imana karaya shantaa qofob wuxuna carabka ku adkeeyay in dadka waxa laga doonayaa ay tahay in ay u hogaansamaan waxa ay diintu fareyso taasina ay ku jirto liibaantooda aduun iyo tan aakhiro
Sheekh Axmed Daahir waxa uu sidaa oo kale soo qaaday Khudbadii Khudbatul Wadaac ee Nabigu ka jeediyay Xajka Sanadkii ugu dambeeyay ee uu xajiyo wuxuuna xusay in Nabigu SCW uu umada waano fican uga tagay xuquuqo badana ku cadeeyay khudbadiisa kuwaas oo ay ka mid tahay xaquuqaha la isku leeyahay waajibaadka Alle dadka saaray kala garashada xalaasha iyo xaaraamta , dilka nafta , u hogaansamidda dadka hogaanka u ah Umadda iyadoo lagu adeecayo wixii wanaag ah ee aan lagu adeeceyn wixii Alle cadhadiisu ku iman karaso.
Sidaa oo kale waxa uu soo qaaday Xadiiska kale ee Nabiga CSW ka sugnaaday ee micnihisu ahaa ( سباب المسلم فسوق و قتاله كفر) wuxuuna xusay in xafiiskaa waxa laga fahmaayaa ay ugu horeyso in aysan habooneyn in qofka muslimka ah la caayo dilkiisana ay ka dhalaneyso in lagu gaaloobo.
Sheekh Axmed Daahir waxa uu darsiga ku soo gaba gabeeyay naseexooyin kala duwan oo dadka u jeediyay wuxuuna xusay in loo baahan yahay in diinta sida ay tahay loo qaato dadkana loo horseedo wanaaga iyo tubta toosan si bulshadu u noqota mid wanaagsanaata .
Darsiga kadib waxa ay Culimada ka qeyb galeysa Nadwada ka jawaabeen su’aalo kala duwan oo ay soo weydiyeen dadka Nadwada la socda waxana su’aalaha si wada jir ah uga wada jawaabay caawa Culimada kala ah
1- Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Xasan “ Abu Sheyba”
2- Sheekh Axmed Daahir Xasan Xuseen
3- Sheekh Maxamed Macalin Axmed
4- Sheekh Xasan Maxamed Muuse
Duruusta ka baxeysa Nadwada ayaa si toos ah loogala socday dhamaan Xaafdaha ay ka kooban tahay Magaalada Qardho iyo nawaaxigeeda taasi oo ay tabineysay Idaacada Quraanka Kariimka ah ee Magaalada Qardho sidaa oo kale waxaa jira Idaacado kale oo ka qeyb qaadanayay tabinta Duruusta ka baxeysa Nadwada sidaa oo kale waxaa Nadwada dhanka Internketka qoraal iyo cod ahaan si wada jir ah ugu tabinayay Webs-ka kala ah Somalimirror.com iyo Halga.net, kuwaa oo inta badan tabiya Acmaasha kheyrka ah iyo dhamaan Nadwooyinka lagu qabto gudaha Soomaaliya iyo Dibadaba.
N:B Waxaa ka raali galineynaa in aan soo gudbin weyno muxaadaraadka cilad xaga netka awgeed hadii alle idimo waan soo gudbin doonaa sida ugu dhaqsaha badan inshalaaaaah
Halgan.net
Qardho