Diyaarado ku duulaya joog hoose oo lagu arkay magaalada Kismaayo
September 24, 2011 - Written byKismaayo:-Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada hoose iyo degaanada ku xeeran ayaa sheegaya in lagu arkay diyaarado laga leeyahay wadamada reer Galbeedka gaar ahaan dalka Maraykanka oo ku duulaya joog hoose kuwaas oo doonaya in ay basaasaan saldhigyada ciidanka Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Jubada Hoose si ay duqaymo ugu geystaan.
Dadka rayidka eek u nool magaalada Kismaayo iyo degaanada ku yaal duleedkeeda ayaa cabsi ka qaba duqaymo ay u geystaan diyaaradaha ciidanka Maraykanka oo dhowr jeer oo hore duqeyn la beegsaday saldhigo ay leeyihiin ciidanka Al-shabaab iyo degaano ay deganyihiin dad rayid ah o u badan xoolo dhaqato sida ay dad rayid ah u sheegeen saxaafada ka howl gasha Soomaaliya.
Dhinac kale Saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM ayaa saxaafada u sheegay in ay wax ka og yihiin diyaaradaha reer galbeedka ah ee dhowr jeer oo hore duqeymo ka geystay degaanada ku xeeran magaalada Kismaayo iyagoo sheegay in diyaaradahaas ay duqeyn doonaa Saldhigyada ciidanka Al-shabaab si loo wiiqo awood ciidanka Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan ururka ciidanka Al-shabaab ee Gobolka Jubada hoose ayaa dhowr jeer oo hore saxaafada u sheegay in diyaarado ay leeyihiin ciidanka Maraykanka ay duqeymo ka geysteen degaano ka tirsan Gobolka Jubada hoose iyagoo sheegay in weeeraradaas ay khasaaro ka soo gaareen dad rayid ah oo ay diyaaradaas ay bartilmaamsadeen.
A/cawaale
Halgan.net