Wasiiro ka tirsan DFKM oo safar ugu soo ambabaxay dalka Denmark
September 27, 2011 - Written byMuqdisho:-Waxaa saaka ka soo ambabaxay magaalada Muqdisho wasiiro ka tirsan DFKM kuwaas oo ku wajahan magaalada Copenhagan ee xarunta dalka Denmark si ay uga qeyb galaan shir caalami ah oo ka dhacay Copenhagan.
R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka G/dhiga DFKM Xuseen Carab Ciise iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ee DFKM C/samada Macallin Maxamuud ayaa waxay ka qeyb gali doonaan shirk ay kooxda xiriirka caalamiga ah ee ICG ku qabanayso dalka Denmark .
Shirka ay ku qabaneyso kooxda xiriirka caalamiga ah ee ICG dalka Denmark ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa arimaha Soomaaliya iyo sida loo taageeri karo DFKM ee uu madaxweynaha u yahay haatan Sh Shariif Shikh Axmed.
Wafdiga wasiirada ka tirsan DFKM ee u baqoolay saaka Denmarka waxaa ku sii sagootiyey garoonka diyaaraddaha ee Aaden Cadde Raiisul wasaarae ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshaddaha C/wahaab Ugaas Xuseen iyo taliyaha ciidanka xoogga ee DFKM S.Guud C/qaadir Sheekh Cali Diini.
Raiisul wasaaraha DFKM Prof Cabdiweli ayaa shalay soo gaaray magaalada Copenhagan ee xarunta dalka Denmark si uu uga qayb galo shir ay soo qabanqaabisay kooxda xiriirka caalamiga ah ee ICG oo isbuucan ka dhacaya dalka Denmark.
A/Cawale
Halgan.net