Diyaarado duqeyn ka geystay degmada Ceelbuur ee gobolka Gal-gaduud
September 30, 2011 - Written byCeel-buur: Waxaa saaka diyaarado ajnabi ah oo ay leeyihiin ciidanka cirka ee Maraykan iyo Itoobiya ay duqeyn ka geysteen degmada Ceelbuur iyagoo duqeynta la beegsaday Saldhiga magaalada iyo degaano ku dhow dhow degmada Ceelbuur gobolka Gal-gaduud.
Wararka laga hellay dadka shacabka ah ee ku nool degmada Ceelbuur ayaa sheegay in meelaha ay diyaaradu ay duqeynta la bartilmaamsadeen in ay ka mid tahay degaanka Ceel garas, ilaa hadda si rasmi ah uma soo bixin khasaaraha ka dhashay duqeynta iyadoo ay ugu wacan tahay is gaarsiinta oo hawada ka baxsan.
Diyaaradaha wax duqeeyey ayaa maalmahaan waxaa lagu arkayey degaanada iyo gobollada ay gacanta ku hayaa ciidanka Al-shabaab iyagoo ku duulaya joog hoose, diyaaradahaan ayaa la sheegayaa in laga leeyahay dalka Maraykanka iyo dalal ka tirsan
Yurub.
Ma ah markii ugu horeysay oo diyaarado laga leeyahay dalka Maraykanka ay ka geystaan duqeynta dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Gal-gaduud iyagoo weeraro ay fuliyeen diyaaradaas lagu dilay Allaha u naxariistee Macalin Xaashi Aadan Ceyrow.
A/cawaale
Halgan.net