Wasiirka amniga ee Puntllad Gen. Khaliif Ciise oo waraysi siiyey Idaacadda BBC-da.[Dhagayso]
May 1, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Wasiirka amniga ee Puntllad Gen. Khaliif Ciise Mudan oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda BBC-da ee Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu ka warbixiyey dhalinyaradii shalay lagu toogtay magaalada Boosaaso isagoo si gaar ah u xusay in Saddex ka mid ah loo haystay dilkii Sh.Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan halka inta kale uu sheegay in ay dileen dad iskugu jira Madax iyo shacab. Wasiirka amniga ee Puntllad Gen .Khaliif Ciise Mudan ayaa xusay in dadka la dilay ay soo mareen maxkamadaha kale duwan sidda Maxkamada Darajada 1aad oo ku riday xukun dil ah ka dibna waxaa ay ka qaateen racfaan waxaan loo gudbiyey Maxkamada racfaanka oo iyagan markii danbe ku raacay xukunkii ay riday Maxkamada Darajada 1aad oo ahaa dil.
Wasiirka amniga ee Puntllad Gen . Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in dadka la dilay ay yihiin 13 qof oo ay ku jirtay gabar wuxuuna sheegay in dhamaantood ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab gaar ahaan amniyaadka dadka loo haysto in ay dileen ay gaarayaan ilaa 78 qof sida uu sheegay wasiirku.
Wasiirka amniga ee Puntlland Gen. Khaliif Ciise Mudan ayaa sidoo kale xaqiijiyey geerida askari ka mid ahaa askartii fulinaysay dilka ka dib markii xabad uu riday askari ay dib ugu soo laabatay askari dhintay , Wasiirka ayaa waxaa uu tacsi u diray shacabka Puntlland iyo ehelada uu ka geeri yooday askariga dhintay.
Hoos ka dhagayso Waraysigii uu BBC-da siiyey Wasiirka amniga ee Puntllad Gen. Khaliif Ciise Mudan
[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/vdkpg09oyc/khaliifciise.mp3″]M_M_Deeq
Halgan.net