Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo maanta booqasho ku tagay Degmada Dayniile

May 5, 2013 - Written by Editor

xasad_dayniileMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tagay Degmada Dayniile waxaana kormeerka ku weheliyey qaar ka mid ah golaha Wasiirada DFS  ,Saraakiil iyo ku simaha gudoomiyaha gobalka Banaadir.

Madaxweynaha DFS ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Degmada Dayniile  Maamulka Degmada Dayniile waxaana halkaas ay ka soo jeediyeen cabshooyin kala duwan iyo baahida dhinaca horumarka ee ka jirta Degmada Dayniile

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmauud ayaa khudbad kooban u jeediyey dadweyne ku soo dhaweeyey degmada Dayniile ee gobolka Banaadir wuxuuna sheegay in dowladiisa ay fashilisay weeraro badan oo ay fulin lahaayeen Ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha DFS ayaa waxaa uu yiri “Al-shabaab waxay doonaysaa inay dadka ku nool Muqdisho iyo dalka oo dhan ay layso, kuna noolaadaan dhibaato iyo rafaad, balse dowladda oo garab ka helaysa shacabkeeda ma aqbali doonto waxayna wadaa qorshayaal badan oo looga hortagayo Al-shabaab”

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyey ugu danbeyntii Taliyeyaashii hore ee nabadsugidda DFS iyo Booliiska wuxuuna ugu baaqay kuwa cusub in ay dadaal dheeri ah la yimaadaan.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online