Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo howgalo ka sameeyey Degmada Wadajir

May 12, 2013 - Written by Editor

howgaloMuqdisho:-Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM  ayaa xalay howgal ballaaran ka sameeyay xaafada Buulo xuubeey ee Degmada Wadajir waxaana howlgaladaas ay ku qabteen dhalinyaro gaareysa ilaa 80 kuwaas oo looga shakiyey in ay amaan xuma wadeen.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa xiray dhamaan wadooyinka laga soo galo xaafada Buulo xuubeey waxay guriguri u baareen xaafada Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir.

Mid ka mid ah Saraakiisha ciidanka DFS ayaa warbaahinta u sheegay in ay xog ay heleen ku howlgaleen waxaana uu diiday in uu wax faahfaahin ah ka bixiyo.

Howlgalada ay xalay ka sameeyeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa lagu qabtay dhalinyaro badan waxaana lagu xiray xarunta dambi baarista ee CID.

Waalidiinta dhalinyarada la qabtay qaarkood ayaa sheegay in wiilashooda aysan wax danbi ah lahayn  oo ay isku diyaarinayeen imtixaanaadka jaamacadaha Muqdisho oo dhawaan bilaaban doona.

A/Cawale

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online