Maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka oo Soomaali xukun ku riday
May 17, 2013 - Written by EditorMinnesota:-Maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa waxaa ay qaaday dacwooyinka kala duwan oo loo heystay dad soomaali ah oo lagu eedeeyey in ay xiriir la leeyihiin Ururka Al-shabaab.
Maalintii shalay ayaa Maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka waxay xukun ku riday laba gabdhood oo Soomaali ah oo la kala yiraahdo Aamina Faarah Cali, oo 36 jir ah iyo Xaawo Maxamed Xasan, oo 66 jir ah
Aamina Faarah Cali ayaa lagu xukumay 20 sano oo xarig ah waxaana ay Maxkamada ay ku eedeysay 13 danbi waxaana ugu weynaa in ay lacag u dirtay Ururka Al-Shabaab balse lacagta ay aamina dirtay ayaa waxay u dirtay Agoon sida ay horey uga cadeysay warbaahinta.
Xaawo Maxamed Xasan ayaa iyadana waxaa lagu xukumay 10 sanadood oo xarig ah waxaana ay Maxkamada ku soo oogtay Xaawo hal dacwo oo argagixisanimo ah iyo laba dacwo oo ah inay been u sheegtay FBI.
Xaalada Soomaalida ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota ayaa waxaa soo wajahay cabsi waxaana ay dadweynaha Soomaaliyeed is weydiinayaan wax dad kala duwan oo aan isku danbi ahayn hal wadana ka soo jeeda hal mar Maxkamad loo wada saaray
Dhanka Warbaahinta Mareykanka ayaa aad u buunbuunisay Maxkamada la saaray Soomaalida iyo xukunka lagu ridayba .Qareenada u dooday Soomaalida la xukumay ayaa racfaan ka qaadan doona xukunka .
C/fitaax Sheekh Ahmed
Halgan.net