Dagaal khasaare nafeed geystay ayaa Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ku dhex maray gobolka Hiiraan.
May 22, 2013 - Written by EditorHiiraan:-Dagaalka oo shalay dhacay, ayaa waxay laba dhinac isku farasaareen deegaanno ku dhow xadka gobolka Hiiraan la wadaago xuduudda gobolka ay Soomaalidu degto ee dalka Itoobiya.
Dad kor u dhaafaya 10 qof ayaa ku dhimatay dagaalka, iyadoona warar madax banaan aan laga haynin sida uu u dhacay dagaalka iyo inta ay le’eg tahay waxyeelada rasmiga ah ee uu dagaalku geystay.
Dhinaca kale wararka shabakadda Somalireal ka heleyso gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya inuu jiro isku dhac dhexmaray Al-Shabaab iyo dad reer guuraa ah, waxaana jirta in dhowr qof oo odoyaal u badan ay ku dhinteen gacanta ururka Al-Shabaab, waxaana wararku intaas ku darayaan in isku dhacyadaas ay salka ku hayaan xoolo Shabaabku doonayeen inay Zako ahaan u qaadaan iyo dadka xoolaha leh oo ka horyimid.
Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo Jabuuti ka socda oo ku howlgalla magaca midowga Afrika ee AMISOM, iyadoona dhinaca kale magaalooyin gobolka ka mid ah ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Somalireal/Halgan.net