Booliska dalka Britain oo toogasho ku dhaawacay labo nin degmada Woolwich

May 23, 2013 - Written by Editor

woolwich_attackLondon:-Booliska Britain ayaa toogasho ku dhaawacay labo nin isbitaal ayayna ku xiran yihiin iyadoo midkood ay xaaladdiisu aad u liidato kaddib markii ay raggaasi weerarka ku qaadeen askariga milateriga ka tirsanaa.

Mid ka mid ah ragga la tuhunsan yahay waxaa magaciisa lagu sheegay Michael Adebolajo.

Waqti yar kaddib markii uu dilku ka dhacay degmada Woolwich, qofka meesha iska marayay ayaa film ka duubay nin gacmaha dhiig ku leh, oo sheegaya inuu isagu weerarka qaaday sababtoo ah askarta Britain ayaa maalin walba dad muslimiin ah disha.

ra’iisal wasaaraha Britain, David Cameron, oo maanta ka hadlay aqalka dowladda ee Downing Street hortiisa, waxaa uu sheegay in sida ugu wanaagsan ee lagaga adkaan karo argagixisada ay tahay in dadku iska wataan noloshooda caadiga ah.

waxaa uu sheegay in Islaamka aanay qiil ku lahayn in lagu dhaqaaqo weerarrada caynkan oo kale ah, kuwaas oo ah qaar ku kooban oo keliya kuwii ku dhaqaaqay.

mar sii horreysay, boolisku waxay galeen guri ku yaal degmada Greenwich oo la rumaysan yahay inuu ku noolaa mid ka mid ah ragga weerarka geystay, waxaana ay boolisku halkaas ka wateen labo hablood oo walaalo ah oo da’dooda lagu sheegay 30-yada, haweeney waayeel ah iyo wiil dhowr iyo toban jir ah.

Ra’iisal wasaaruhu waxaa uu guddoomiyay shir ay isugu yimaaddeen guddiga xaaladaha degdegga ah ee qaranka ee loo yaqaan COBRA oo ka kooban wasiirro sar-sare iyo saraakiisha xagga ammaanka qaabilsan.

ragga askariga dilay ma aysan cararin, waxayna dadkii goobta joogay ku dhiirri geliyeen inay sawirro ka qaadaan iyaga iyo ninka ay dileen.

Duqa magaalada London, Boris Johnson, waxaa uu sheegay inay khalad tahay in dilkaas lagu eedeeyo ama Islaam ama siyaasadda dibadda ee Britain.

Xigasho BBC Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online