Ardayda Puntland oo u fariistay Imtixaanada shahaadiga ee Dugsiyada 8aad iyo 12aad.(Masawiro+Cod)

May 25, 2013 - Written by Editor

imtixaanGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta furey imtixaanaaadka Shahaadiga Puntland  kaas oo si rasmi ah u furmay maanta waxaana imtixaanka u fariisan doona boqolaal arday oo ka tirsan dugsiyada 8aad iyo 12aad.

Munaasabada lagu furay imtixaanaaadka Shahaadiga Puntland  ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka waxbarashada Cabdi Faarax Juxa ,wasiirka hawlaha guud Eng.Daahir Xaaji Khaliif ,wasiir ku xigeenka caafimaadka Dr.Maxamed Ducaale iyo madax kale .

Wasiirka  waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa warbixin kooban siiyey madaxweynaha Puntland wuxuuna sheegay in  arday gaaraysa 8,515 fasalada 8-aad iyo 12-aad u fariisan doonaan imtixaanka shahaadiga ee Puntland  waxaana uu xusay wasiirka waxbarashada in kormeerayaashu gaarayaan 73 halka  ilaaliyaasha imtixaanka ay gaarayaan  450 Macalin.

no images were found

Madaxweynaha Puntland ayaa Khudbadiisa ku soo qaaday dastuurka DFS isaga oo ku baaqay in la dhowro isaga oo eedeyn u soo jeediyey Wasiirkii hore ee Dastuurka DFKMG Cabdiraxmaan Xoosh oo hada ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale soo qaaday Maamulka Juba Land wuxuuna ku baaqay in la dhowro Dastuurka DFS  iyo midnimada dalka wuxuuna sheegay in Soomaali ku heshiisay nidaamka Federaalka ah.

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole furitaanka imtixaanaadka shahaadiga ee Dugsiyada 8aad iyo 12aad.
[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/5c1w03psno/faroole.mp3″]

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online