Banaanbax lagu taageerayo Maamulka Juba Land oo ka socda magaalada Kismaayo
May 26, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunka gobalka J/hoose ayaa sheegaya in banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo siyaasada madaxda DFS uu haatan ka socdo gudaha magaalada Kismaayo.
Banaanbaxa ayaa waxaa lagu taageerayaa sidoo kale madaxweynaha Juba Land Ahmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe) waxaana ka qeyb galaya Banaanbaxa qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa saaka sidoo kale lagu arkay ciidamo ka tirsan Maamulka Juba Land oo gaafwareegaya magaalada Kismaayo iyaga oo ciidamo dhigay qeybaha kala duwan ee magaalada Kismaayo gaar ahaa agagaarka Hotel Cascaseey oo ay degan yihiin xubno ka tirsan DFS .
Cabdi Yare
Kismaayo