Madaxwayne ku xigeenka Jubaland oo eedeyn u jeediyey madaxda DFS (Dhageyso)
May 27, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Jubaland Gen.Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wafdiga ka socda DFS ee haatan ku xayiran garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose wuxuuna sheegay in ay ka warqabin sababta ay wafdigan u yimaadeen magaalada Kismaayo xili wufuud kale oo ka socda DFS ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Kismaayo.
Gen.Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Madaxwayne ku xigeenka Jubaland ayaa wareysi siiyey Radio Garoowe waxaana uu sheegay in Maamulka ay ka dhiseen magaalada Kismaayo ay waafaqsan tahay Dustuurka dowlada Federaalka ee Soomaaliya isaga oo ku eedeeyey madaxada DFS in ay dhibaato ka wadaan magaalada Kismaayo.
Mar wax laga weydiiyey Madaxwayne ku xigeenka Jubaland Gen.Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Mooshinka la sheegay in xildhibaano ka tirsan DFS ay ka keeneen ciidanka Kenya ayaa waxaa uu sheegay in Mooshinka uusan gaar ku noqon doonin ciidamada Kenya balse AMISOM oo dhan laga keeni doono waxaana uu hoosta ka xariiqay in dadka ay wax isku wada darsadeen dowladana ay tahay mid Federaal ah.
Madaxweyanaha DFS iyo Xukuumada Raiusulwasaare Saacid ayaa si aad ah u diidan Maamul gobaleedka J/land oo haatan uu madax u yahay Axmed Madoobe waxaana ay dowlada ku baaqday in iyada looga danbeeyo sameynta iyo hogaanka Maamulada dalka ka hirgalaya.
Hoos ka Dhageyso Wareysigii Madaxwayne ku xigeenka Jubaland Gen.Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu la yeeshay Radio Garoowe.
[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/j331j9xcdx/fartaag.mp3″]