Madaxweynaha Dowllada Federaalka Soomaaliya oo gaaray dalka Japan
May 30, 2013 - Written by EditorJaban:-Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Dowllada Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Tokyo ee xarunta dalka Japan waxaana halkaas ku soo dhaweeyey saraakiil ka socda wasaarada arimaha dibada ee dalka Jaban. Madaxwey naha DFS Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay ka qeyb gali doonaan shir looga hadlayo arrimaha Afrika kaas oo maalinta birito ah ka furmaya magaalada Yokohama ee dalkan Japan.
Shirka ka furmaya magaalada Yokohama ee dalkan Japan ayaa waxaa lagu qaadaa dhigi doonaa horumarinta Afrika waana shir sanad walba dhaca magaalada Yokohama ee dalkan Japan waxaana shirka uu si gaar ah diirada u saari doonaa xaalada dalka Soomaaliya iyo siddii loo taageeri lahaa DFS.
Magaalada Yokohama ee dalkan Japan ayaa ilaa haatan waxaa gaaray madax kala duwan oo ka socta dalalaka Afrika waxaana shirka gudoomin doona Ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Shirkan ayaa waxaa uu daba socdaa shirkii dhawaan ka dhacay magaalada London kaas oo lagu gorfeynayey arrimaha Soomaaliya .
A/Cawale
Halgan.net