Madaxweynaha DFS oo Hambalyada Ciida u diray shacabka Soomaaliyeed.[Daawo]

October 14, 2013 - Written by Editor

xassanMuqdisho, 15 October 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamud ayaa dhammaan shacabka Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u direy hambalyada Ciidul Adhxa oo maanta caalamka oo dhan looga dabaaldegayo.

Madaxweynaha ayaa yiri “Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo, dhammaan shacabka Soomaaliyeed ku ciida farxad iyo reynreyn Munaasabadan qiimaha badan aan soo wada dhaweyno oo aan deriska iyo inta aan wax heysan aan xasuusanno. Shacabku waa inay caruurta ka farxiyaan oo la geeyaa goobaha ciidaha, ama ay soo salaamaan deriska iyo qaraabada.

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waa inay gacmaha is-qabsadaan oo ay si wadajir ah u wada ciidaan, una kaalmeeyaan wallaalahooda aan wax heysan, gaar ahaan carruurta deriska fiiro gaar ah haloo yeesho si ay maalinta farxadda u wada ciidaan.”

Madaxweynahu waxuu yiri “Dhammaan Muslimiinta gudaneysa waajibaadka xajka, gaar ahaan Soomaalida EEBBE ha ka aqbalo xajkooda, ducadoodana noo aqbal.” Madaxweynahu waxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan nabadda, iyo dib-u-heshiisiinta, si dalka uu u noqdo mid horumar ballaaran sameeya.

Farxadda Ciiddana waa mid nooga baahan inaan isu naxariisano, danteenna guudna ka wada shaqeyno. Alle maanta ayaanta iyo ciidda wanaagsan, Illaahii na siiyey isagaa ku abaalle, alla maanta iyo maanta si wanaag san u ciidda.

Hoos ka Daawo Hambalyada ciida ee uu u diray shacabka Soomaaliyeed Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh.

– DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), 

Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President,
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online