Amiirka Al-ictisaam Bilkitaabi Wasunah oo tahniyada ciida u diray shacabka Soomaaliyeed.[Dhagayso]

October 15, 2013 - Written by Editor

Sheekh_BashiirMuqdisho:-Jamaacatul Ictisaam Bilkitaabi Wasunah ayaa tahniyad ku aadan ciidul Adxaa u diraysa Umada Soomaaliyeed ee muslinka ah waxaana ay shacabka Soomaaliyeed leedahay alle ha nagu gaarsiiyo ciidaan ciideeda kale kheyr iyo Barwaaqo . Amiirka Jamaacadda Ictisaam Bilkitaabi Wasunah Sh.Dr.Bashiir Axmed Salaad ayaa sidoo kale tahniyad ku aadan ciidul Adxaa u diray umada Soomaaliyeed waxaana uu Sheekh ugu baaqay umada Soomaaliyeed in ay alle ka baqaan una laabtaan .

Sheekh Dr.Bashiir Axmed Salaad ayaa sidoo kale waxaa uu ugu baaqay shacabka in ay danta guud ka hor mariyaan tan gaarka ah wuxuuna ugu danbeyn u dardaarmay umada Soomaaliyeed  gaar ahaa ducaada iyo culimada diinta Islaamka in ay u istaagaan faafinta dacwada Islaamka si shacabka Soomaaliyeed looga  haqabtiro aqoonta dhinac diinta islaamka oo ay baahi badan ay u qabaan.

Hoos ka dhagayso  hambalyadii uu Amiirka Jamaacatul Ictisaam Bilkitaab Wasunah Sh  Bashiir Axmed Salaad u diray Shacabka Soomaaliyeed

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/0vxbwpiy2o/sh_bashiir.mp3] ama Halkaan ka dhagayso

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online