Raisulwasaare Saacid oo Cambaareeyey qarax ka dhacay magaalada B/weyne

October 19, 2013 - Written by Editor

saacid1Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ku geeriyoodeen shacab fara badan oo aan waxba galabsan.

“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan shacabkii Soomaaliyeed ee halkaasi ku geeriyooday, waxaana alle uga baryeynaa inuu geeyo Jannadiisa, intii dhaawaca ahna ille bogsiiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale ka hadlay ujeedada qaraxyada noocan ah ay ka leeyihiin kooxaha nabadiidka ee Shabaab.

“Ujeedada ay leeyihiin kuwa qaraxan gaystay waa in ay cabsi galiyaan shacabka Soomaaliyeed ee diyaarka u ah in ay ka tashadaan aayahooda, dadka Soomaaliyeedna marna dib uma laaban doonaan” ayuu si kulul u yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa uu xusay in todobaadyadii ugu dambeeyay ay wadeen shacabka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada gobolka Hiiraan sidii ay uga tashan lahaayeen aayahooda maamul.

Qaraxa saaka abaara 11:00 barqinnimo ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taala meel ku dhow xarunta maamulka gobolka Hiiraan waxaa fuliyay qof naftii-hallige, waxaana ku geeriyooday in ka badan 10 ruux oo rayid ah.

Garad Salad Hersi
Press office, PM office

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online