Madaxweynaha DFS oo Cambaareeyey Qaraxii ka dhacay magaalada Beledweyn

October 19, 2013 - Written by Editor
xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta si kulul u cambaareeyey Qaraxii ismiidaaminta ee ka dhacay magaalada Beledweyn oo halkaas dad aan waxba galabsan isku qarxiyey.
Madaxweynaha ayaa yiri “Falkan is-qarxinta waa mid ay kooxaha nabad diidka ah ku diidanyihiin horumarka shacabka iyo nabadeynta, waa mid fuleynimo ah oo aan dhaqanka diinta iyo kan Soomaalinimadaba ku dhisneyn oo ah afkaar shisheeye oo dalka naloo keenay. Shaqsigan is qarxiyey waxuu si aan naxariis laheyn isagu qarxiyey shacab aan waxba galabsan. Tani waxey na tuseysaa in kooxaha Al-Shabaab ay ka soo hartay mintidnimo iyo is qarxin oo looga guuleystay dagaalkii fool ka foolka ahaa.”
Madaxweynaha oo tacsi u diraya shacabka ayaa yiri “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan Soomaalida, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii intii ku geeriyootay qaraxan ismiidaaminta ah, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu jannaddii fardowsa ka waraabiyo, inta dhimatayna inuu EEBBE u fudueeyo oo ay si dhaqsi leh ku bogsadaan.”
-DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson
Office of the President of Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online