Sh.Bashiir Axmed Salaad oo muxaadao ka jeediyey Masjidka Al-Nuur ee Hargeysa.[Dhagayso]
October 19, 2013 - Written by EditorHargeysa:-Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah culmada Soomaaliyeed kuwa ugu waaweyn ayaa muxaadaro qiimo leh ka jeediyey magaalada Hargeysa gaar ahaan Masjidka Al-Nuur waxaana uu Sheekh Muxaadaradiisa cinwaan uga dhigay Culumada oo la raaco waa badbaada dadka caqliga u saaxiibka ah. Sh. Bashiir Axmed Salaad ayaa ku bilaabay muxaadarada ahmiyada diintu siisay caqli iinsaanka iyo in lagu dhiiri galiyey in uu fikiro, waxaa kale oo uu tilmaamay in ay muhiim tahay in uu waxyigu hago caqliga oo uu dabasocdo.
Sh. Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa uu soo qaataya ilaa Sagaal Tusaale oo tilmaamaya in ay dadku ku badbaadi jireen culimada waqtiga ay arrimuhu adkaadaan waxana ka mid ahaa:-
1-Maalintii uu dhintay nabigu salalaahu calayhi wasalam waxa lagu baxay abubakar al-sadiiq.
2-Ibnu cabaas iyo doodii dhexmartay khawaarijta sidii in ay 4000 oo qof ka soo noqdeen.
3-Ninkii dilay 99 nafood in uu ku badbaaday caalimkii uu wax way diiyey.
4-Qaaruun dad maalkiisii ku dagmi gaadhay iyo sidii ay ugu badbaadeen dad culimo ah.
5-Saddex saxaabi oo yaraysta cibaadadaii nabiga صلى الله عليه وسلم sidii ay ugu badbaaden taladiisii uu siiyey.
6-Maalintii xudaybiya heshiiskii lagalay oo saxaabada qaar ka biyo diideen sidii loogu baxay go,aankii nabiga صلى الله عليه وسلم Iyo qodobo kale ayaa sheekhu u ku soo qaatay maxadardiisa waxanu ku dheeraday ahmiyada ay leedahay in lagu barto culimada laguna xidhnaado waqti kasto.
Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Sh Bashiir Axmed Salaad uu ka jeediyey Masjid Nuur ee Hargeysa
[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/rmlrck2a17/sh_bashiir1.mp3] ama Halkaan ka dhagayso
Musasad Al-Karam
Halgan.net,Hargeysa