Qarax ka dhacay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan
October 19, 2013 - Written by EditorHiiraan:– Waxaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne qarax is miidaamin ah oo lala beegsaday maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taalay meel ku dhow xarunta maamulka ee gobolka Hiiraan,Qarax ayaa waxaa ku dhintay ilaa 16 qof oo rayid ah waxaan ku dhaawacmay ilaa 30 kale iyadoo dadkii ku dhaawacmay qarax loola cararay Isbitaalka weyn ee magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Howl wadeenada isbitaalka weyn ee Beledweyne ayaa waxaa ay la tacaalayaan dadka rayidka ah ee qaba dhaawacyada kale duwan walow Isbitaalka uusan haysan daryeel ku filan oo dhinac daawooyinka ah. Howl wadeenada Isbitaalka weyn ee Beled weyne ayaa waxaa ay wadaan dadaal ah in dadka qaba dhaawacyada culus ay u qaadaan dhinac magaalada Muqdisho.
Qaraxaan is miidaaminta ah ayaa waxaa fuliye qof naftiisa ku soo xiray walxaha qarxa waxaan uu markii uu soo galay Maqaaxida uu is qarxiyey halkaasna uu dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray dadkii ku sugnaa Maqaaxida.
Warar soo baxaya ayaa sheegay in qof is qarxiyey uu doonayey in qarax uu la beegsado ciidamo ka tirsan maamulka Beledweyne iyo ciidamo AMISMO oo ku sugnaa meel aan ka fogayn Maqaaxida ilaa haddana lama oga khasaarah ah soo gaaray ciidanka maamulka Beledweyne iyo kuwa AMISOM.
Afhayeenka howlgalada Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa ay la beegsadeen ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa Itoobiya waxaana uu sheegay in ay khasaaro u geysteen wuxuuna sheegay in ay dileen 13 Askeri oo Itoobiyaan ah.
A/cawaale
Halgan.net